Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Toljecle (Aadan-madoobe) Goormuu Galbeed soo Deggey?

August 18, 2018

Toljecle waa qeyb Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe) ka tirsan. Waa intii markii dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad beesha lagaga adkaadey, waa intii galbeed u soo qaxdey. Taariikhdiisu mid sidaas u sii fog ma ahan, oo goobihii iyo goorihii uu soo deggey ayaa la wada ogsoon yahay. Sidaas darteed, soo’yaalkiisu mid uu madmadow ku jiro, ama uu shaki gali karayo ma ahan, oo waa’ba shaleydan.

Waxa markhaati inoogaga filan, innaga oo deegaannada uu Toljecle’hu haddeer galbeed kaga sugan yahay, ama mar uun qoys Toljecle ah'i uu kaga nagaadey, innaga oo goobgoob isku dul taagna; oo raadraac ku wada sameyna. Arrintu mid sidaas u sii culus, oo baadhitaan dheer oo dhib leh, ama tacab iyo tamar badan inooga baahan ma ahan, oo maktabadihii xogtaas laga heli lahaa ayaa haddeer xaadir ah; oo waa odayaashan Toljecle ee maanta nool.

Inuu Toljecle uu dhawaan galbeed soo caga’dhigtey, oo Ugaadh Aadan-madoobe’hii bari ka soo qaxey uu yahay waxa u dalliil ah; raadkiisii ayaa’ba sii qoyan. Meelaha Toljecle uu galbeed kaga sheeggan yahay, ee maalmihii uu ka soo daahirey’ina ay dhawaan uun ahaayeen, ayaa kuwan ah.

Dhaboolaq
Gogol-wanaag
Shabeele
Lafta boqorka
Ija-waaji
Wadda-dhibiiq (Dacarta)

Lafa-islaamood
Ruke
Koojaaraha
Qabuuraley
Malawle
Geellaa
Faafan
Laafto
Ija-gobeyse

Meelaha magaalooyinka ah, ama tuulooyinka ah, ayaa ah:

Hargeysa
Arabsiyo
Togwajaale
Allaa-ibadey

Jigjiga
Fayaanbiiro
Harar
Diri-dhaba
Jibuuti

Sidaas darteed, dhinac deegaan ahaaneed haddii laga eego, ama gees taariikh ahaaneed haddii laga raadraaca’ba, Toljecle waa Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe); oo waa badhkii galbeed u soo qaxey.

Alla ha u naxariisto’e, Cabdi Iidaan ayaa yidhi:
 ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄
Runtii shimiqda waxa looga dhigey, una shareernaatey
Ee ay beentu shaaraca ku timid, sheeg haddaad garato.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |