Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

Daallo Airlines

Sitaa soo dajoo
Sagsaag ma lahoo
Waa Saaruukhii
Samada loogu
Sahan Tagey

February 9, 2013
Alla ha u naxariisto'e, Xaaji Cabdillaahi Sheekh Ibraahim (Abu-site), waxa uu ka mid ahaa: ganacsatadii ama tujaartii ugu caansaneyd, ee ugu waaweyneyd, ee Bariga Geeska Afrika; gaar ahaan inteeda af-Soomaaliga ku hadasha oo dhan.

Xaajigu, Alla ha u naxariisto'e, waxa uu ahaa: halyey ay bulshadu dhammaanteed ku soo hirato, oo wax-tarkiisa iyo ikhlaasnimadiisa, aan lagula tartami jirin, oo aan la maleysan kari jirin.

Xaajigu, Alla ha u naxariisto'e, waxa uu ahaa: iftiin iyo cadceed ay ummadda Bariga Geeska Afrika oo idil'i, ay bildhaansan jireen.

Xaajigu, Alla ha u naxariisto'e, waxa uu ahaa: aqoonyahan ay aragtidiisu aad u fogeyd. oo indheer-garad ah, oo hal-door ah, oo Alla ka cabsi badan, oo cibaadeysi badan, oo heybad leh, oo hibo-hoggaamineed leh.


Xaajigu, Alla ha u naxariisto'e, lixdameedyadii oo Bariga Geeska Afrika lagu gaadiid iyo gaadhi'ba laayahy, ayuu gaadhigan (Izuzu)ga ah, oo saaruukh loogu magac-darey, uu dalka (Japan) ka soo waaridey.

Gaadhiga (Izuzu)ga ah, oo ahaa baabuurkii ugu horreeyey ee Hargeysa lagu warshadeeyo, oo lagu farsameeyo, oo lagu xidh-xidho, ayaa rakaab ahaan iyo xammuul ahaan'ba, aad iyo aad loogu baahi-baxey. Gaadiid la'aantii ayaa lagaga reystey, oo rarkii awrta iyo dameeraha, ayaa lagaga kaaftoomey, oo ilaa xad'na waa lagaga maarmey.


Daallo Airlines Mar labaad, sagaashameedyadii oo dawladdii Somalidu ay burburtey, oo duruufo dagaal ay curyaamiyeen, oo dhul-xidhan, bad-xidhan iyo cir-xidhan'ba ay ku dhaceen, oo gaadiid la'aan lala il-daran yahay, ayuu Maxamed Xaaji Cabdillaahi (Abu-site) uu tallaabadii aabihii Xaaji (Abu-site) mid la mid ahayd qaadey; oo uu saaruukhii samada ee lixdameedyadii la sii saadaaliyey, oo ah diyaaradda (Daallo Airlines) uu aasaasey, oo uu hir-galiyey, oo uu sharikad caalami ah ka dhigey.

Sidaas ayuu Md. Maxamed Xaaji Cabdillaahi (Abu-site)na, uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu hiiliyey, oo uu ugu gargaarey, oo uu duruufihii gaadiid la'aaneed, ee ummaddu ay la il-darneyd'na kaga soo saarey.

Labada goorood'ba:

Sitaa soo dajoo
Sagsaag ma lahoo
Waa saaruukhii
Samada loogu
Sahan tagey.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |