Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Gaadhi Hargeysa lagu Xidh-xidho waxa ugu Horeeyey: Isuzu

December 12, 2013

Waxa ay ahayd 1960-meedyadii, markii uu Xaaji Cabdillaahi Sheekh Ibraahim (Abu-site), uu gaadhiga Isuzu-ga ah, oo kala furfuran, oo gobol-gobol u saxaaradaysan, oo qidcad-qidcad u bacaysan, uu Jabbaan ka soo waaridi jirey i.

Waxa ay ahayd 1960-meedyadii, markii warshadda ama geerashka Abu-site, ee reer Hargeysa ama reer Somaliland oo idil i ay wada yaqaannaan, baabuurka Izuzu-ga ah, oo kala dhig-dhigan lagu dhex farsamayn jirey, oo lagu dhex rakibi jirey i.

Izuzu  Waxa ay ahayd 1960-meedyadii, markii ay farsamayaqaanno iyo hawl-wadeenno tababaran, oo xirfad leh, oo aqoon leh i, ay gaadhiga oo dhammaystiran, oo ay soo jitaabiyeen, oo ay kaga soo dananiyeen, ay macmiilkii dalbaday ku wareejin jireen i.

Warshadayntu, haddeer inoo kow ma ahan, oo horay ayay Hargeysa uga bilaabantay, oo ay uga hir-gashay. Waxa suurta-galiyey, nin hibo-ganacsiyeed lahaa, oo aqoon ifeed iyo mid aakhireedba lahaa – waa Xaaji Cabdillaahi Abusite e – oo Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ka aasaasay.

Warshad qalabaysan, oo casriyeysan, oo qaab-dhismeedku uu u dhan yahay, oo u kala qaybsan: Injiinnada – batrool iyo naafto -, ranjiga, alxanka, korontada, toornada, xidh-xidhka baabuurta cusub iyo (spare parts), ayuu dhidibada u taagey. Maamul iyo farsamayaqaanno carbisan, oo khubarada Izuzu-gu ay wax soo bareenna, wuu ka hawl-galiyey. Alla-na – isaga ayaa mahadda leh e - wuu ku guuleeyey.

Waa waagii bulshaduna ay ku luuqayn jirtey:

Sitaa soo dajoo
Sagsaag ma lahoo
Waa saaruukhii
Samada loogu sahan tagey.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com


 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |