Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Dad-guurka Burco Iyo Gobollada Bari

January 7, 2020

Dad-guur aan kala go’id lahayn, ayaa gaar ahaan Burco, guud ahaanna gobollada bari oo idil, aad iyo aad, u wada saameeyey; oo haddii aan laga gaadhin, oo degdeg aan wax looga qabanin, wallee waa halis iyo aafo qaran; oo aan la mahadin doonin.

Dad-yahow! Burco iyo deegaannadaas bari, waxa ka socdaa’i, wallee waa xaalufin xooleed, oo waa xaalufin xirfadeed, oo waa xaalufin xurmeed, oo waa xaalufin xoogeed.

Dad-yahow! Burco iyo gobolladaas bari, waxa ka jiraa’i, wallee waa sheelid, oo wallee waa shareyn, oo wallee waa shaasheyn, oo wallee waa shiiqid, oo wallee waa baas baahsan, oo wallee waa musiibo bulsheed; oo aan laguba baraarugsaneyn.

Dad-yahow! Burco iyo aagaas bari, habeen iyo maalin, dadku way ka sii socdaan, dibna uguma soo laabtaan. Inta haatan ku suganina, waa wada maqanayaal-joogayaal, oo wallee salka kama wada fadhiyaan, oo ama sahan baa u maqan, ama safar baa u qorsheysan; oo Hargeysa iyo Garoowe, ayay ku kala jiheysan yihiin!

Sidaas darteed, deegaannadu waa wada dhiig-bax, oo maskaxda, muruqa iyo maalku kuma nagaadaan, oo dharaar walba way ka sii qulqulayaan. Kaaga daranta, dadku way wada xaaladeysan yihiin, oo qaxitaan dadban, oo aan qeexneyn, oo aan qayaxneyn, ayay la wada qandheysan yihiin.

Kaaga sii daranta, dadku way wada asqeysan yihiin, oo dad-guurkan ba’an, ee balaayeysan, ayaa aqoontii, dhaqaalihii iyo xoogiiba, kala tagey. Sidaas awgeed, Burco iyo gobolladaas bari, dabar-goyn dahsoon ayaa loo muuseeyey, oo loo hadoodiley, oo lagu dhabar-jabiyey.

Waa run, oo dalku dhinac buu ka raran yahay. Waa xaqiiq, oo dalku gees buu u janjeedhsadey. Waa dhab, oo dalka doc dhan baa dayacan, oo barbaartu wax mustaqbal ah, aanay ku haysanin. Waa hubaal, oo dalka qeyb idil baa qatan, oo qaawan, oo bulshadu wax mashaariic ah, ama horumar ah, ama adeeg ah, aanay ku qabin.

Sidaas darteed, xal degdeg ah, oo xaq-soorid ah, oo caddaalad ah, ayay Burco iyo gobollada bari u baahan yihiin.

Xalkuna, waa labada kafadood, ee miisaanka caddaaladda, oo isku dheeli-tiran, oo isla siman.

  1. Burco – (Caasimad Maamul) – (Administrative Capital)
  2. Hargeysa – (Caasimad Ganacsi) – (Commercial Capital)

Burco iyo gobollada bariyow!

Caqligiina, cududdiina, cuudkiina iyo codadkiinu, waa inay idiin ciidamiyaan, oo ku cad-goosataan – in shaa Allaah.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |