Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Toljecle waa Ugaadh Aadan-madoobe

February 7, 2015

Sida taariikhdu, qoraal ahaan, ama ab-ka-ab ahaan, ama af-ku-af ahaan ay inagu soo gaadhey, waxa qarnigii 19aad beesha Aadan-madoobe ku habsadey, duruufo dagaal sokeeye, oo ay beelahii walaalaha ahaayeen ee Habar Toljecle, ay kala kulantey. Waxa la sheegey, inuu Aadan-madoobe uu colaadahaas daraadood, uu afarta jiho ugu kala qaxey, oo uu ugu kala guurey.

Badhkii dhinacan galbeedka foodda soo saarey, ayaa iyagu min Maroodi-Jeex ilaa Kililka Shanaad ee Itoobiya ku dhax baahey. Qoysba meeshii ay taagtiisu dhigtey, ama ay tamartiisu gaadhsiisey, ee uu nabad ku helayey, aya'u iskaga rarfurtey. Waa'na sababta keentey, inay beeshii Ugaadh Aadan-madoobe ay deegaanadaas kala durugsan, inay kala daggaan; oo ay ku kala firidhsanaadaan.

Hadda'ba musiibadaas ka bacdi, aya'ay beeshii Habar Toljecle, ama Toljecle ee bari ay magacoodii iska baddaleen, oo magacan haddeer ee Habar Jecle, ay la wada baxeen. Sababtaas la ajligeed, waxa Ugaadh Aadan-madoobe soo wajahdey, inay ama magaca Habar Jecle ay walaalahoodii bari ay la qaadtaan, ama inay magacoodii hore ee Habar Toljecle, ama Toljecle ay iska haystaan: oo ay ku dhagganaadaan.

Laba arrimood oo isbiirsadey, ayaa kala doorashadoodii labadaas magac, saameyn weyn ku yeeshey. Midkood waxa uu ahaa, duruufihii colaadeed ee bari ka soo rarey, oo ay sii xusuusnaayeen; oo laabta kaga sii jirtey. Midka kale'na waxa uu ahaa, dacaayad Habar Jecle naceybeed, oo dhinaca Habar Awasha kaga soo furantey, oo kaga socodtey.

Si kasta ha ahaato'e, markii labada erey ee tol iyo habar ay isku miisaameen, ee ay isdhinac dhigeen, kalmadda tol aya'y doorbideen, oo ay doorteen. Magaca Toljecle markii ay ka diga'rogan waayeen'na; Habar Jecle aya'ay kala go’een; oo ay kala fogaadeen.

Waxa iyadu'na xusid mudan, inay jiraan qoysas aan sidaas u badneyn, oo markii  magta ay iskood iskaga bixin kari waayeen, iyagu'na Ugaadh Aadan-madoobe la bahoobey, oo magaca Toljecle kula midoobey. Sidaas darteed, asal ahaan, ama taariikh ahaan, ama soo'jireen ahaan, Toljecle waa Ugaadh Aadan-madoobe.

Haddii ay jiraan cid kale, oo Ugaadh Aadan-madoobe aan ahayn, oo Toljecle ah'i, waa haddii iyagu'na ay Habar Jecle'da kale ay yihiin; oo sidaas iyagu'na ay Toljecle ku noqdeen. Waa'yo, beeshan Habar Jecle, ayaa markeedii hore'ba, Habar Toljecle, ama Toljecle iyadu wada ahayd.

Haddii'se ay jiraan, cid aan Ugaadh Aadan-madoobe, ama Habar Jecle'da kale aan ahayn, oo Toljecle inay yihiin hadda'na ku doodayaa'i, waa inay marka hore halka ay Toljecle ka soo galeen, ama sida ay ku noqdeen ay sheegaan. Marka xiga'na, waa inay soo bandhigaan, oo ay soo caddeeyaan, taariikhdoodii, soo'yaalkoodii, deegaankoodii, soo'jireenkoodii, madaxdhaqameedyadoodii iyo si kasta oo ay ku xaqiijinayaan.

Haddii kale, waa Reer Asxaabul Kahaf, oo waa dad qarnigii 13aad bari seexdey, oo qarnigii 20aad galbeed ka soo toosey; oo muddadaas 700 (todobada boqol) ee sannadood ah markii ay hurdeen, mar kali ah uun galbeed ka soo daahirey.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |