Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Taariikhda Toljecle

 

September 8, 2013

Afeef:
Qoraalkan marka aad akhridid, waxii kula qaldan, fadlan soo sax. Haddii uu run kula yahay'na, fadlan taageer. Laakiin diidmo kali ah, oo madhan, fadlan ha ku deedafeynin.

Hor-dhac:
Dunidu dunidii hore, ee kala durug saneyd, ee kala oodneyd, ee kala qobqobneyd, ee aan is wada maqli'jirin, ee inta dhawaaqoodu uu isgaadho oo kali ah'i ay kala war heli'jireen, haddeer ma ahan oo wa'ay isku soo dhawaatey, oo isgaadhsiin casriyeysan, ayaa isku soo koobtey.

Taariikhda Toljecle oo Kooban

Toljecle oo qarnigii 19aad bilowgiisii uu dagaal sokeeye ka dhex qarxey, oo muddo 50 sannadood ku dhawaad ahayd isdilayey, aya'anu hadda'na xoogiisii aanu isdhimin, oo awooddiisii aanay wiiqmin. Waxa teer u dalliil ah, tixdan gabeyga ah.

Dirir Warsame  -  Habar Jecle ≈ (1870)

Toljecluhu
ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad, midigta maw saarey.

Qarnigii 20aad bilowgiisii, gaar ahaan 1905tii markii ay Daraawiishtii ina Cabdulle Xasan iyo isticmaaradii Ingiriis iyo Talyaani ay heshiis muddo gaaban dhaqan galey'i uu dhex marey, aya'u Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo isfahamkaas ka faa’ideysanayey'i, uu ciidan urursi bilaabey.

Beelo ay beeshii Toljecle ka mid ahayd, aya'u madaxdii Daraawiishta u kala direy. Waxa madaxdaas ka mid ahaa: Sheekh Cabdillaahi Axmed (Ina Shixiri) - Habar Jecle. Wufuuddaasi intii aanay kala ambabaxin, aya'u Sayidku la sii wada dardaarmey.

Sayidku waxa uu ku yidhi:

Cabdalla maan qaboobiyo
Xirsi maakib laawow
Mid yar waxad tidhaahdaan
Murtidiinta Reer Hagar
Habar Yoonis madasheed
Mariya weedha aan idhi
Toljeclaha muraadkaygiyo
Masafadeyda ula taga
Maqashiiya uunkaba
Miyir inuu ku soo galo
Mid mid waxow tidhaahdaan
Nimanka mooradii furey
Mawaaciidda diinkii
Ma wax laysku maagaa?

Waxa kale oo xusid mudan, oo Toljecle tilmaan iyo taariikh u ah, tixdan soo socota, oo iyadu'na ku beegnayd 1923kii.

Maxamed Nuur Fadal - Habar Jecle

Cali Dhuux dharbado reer Isaaq, waw dhug leeyahaye
Wuxu weliba dheeraad ku yahay, dheegga aan ahaye
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacey
Ogadeen dhasheega iyo sidii, ceel dhanaan noqoye.

Maxamed Aadan Caws (Yawle) – Habar Yoonis, ayaa isagu'na 1935kii geeraar canaan ahaa, oo hiil doon ahaa, Toljecle u soo tiriyey. Yawle waxa uu Toljecle ka codsanayey, inuu Ogaadeen iyo Dhulbahante oo dagaal Habar Yoonis ka dhan ahaa isku soo baheystey, inay beelahii Toljecle ay uga hiiliyaan.

Yawle waxa uu yidhi:

Toljeclaha dacalkeyga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabey
Daarood baanu colowney
Ka darme baa ka shisheeya
Kan kalee ku dul meersan
Ragga daaqa ka jooga
Docmo kaa la gudboon
Daawo buu noo wada qaatey
Dadna waad noogu xigtaan
Dildiilahaa nagu yaal
Baad marba daawaneysaan
Nin walaalkii la dooxo
Darmo caadle ku seexdey
Wallee waa u doqoniimo
Danbina taa kama joogo.

Sannadkii 1953kii aya'ay col geelqaad ahaa'i, ay deegaanka Eexo ee degmada Gar'adag ee Sanaag, ay geel tiro badan ka qaadeen. Ka dib waa loo gurmadey, oo waxa lagu gaadhey Xargaga, oo Laascaanood dusheeda ah.

Geelii qeyb ka mid ahayd, ayaa la soo dhaciyey. Abwaan Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) – Habar Jecle, oo geela badh la soo dhaciyey aan isagu guul u arag, ayaa ka gabyey.

Caad-leef waxa uu yidhi:

Raaxada nugaaleed ninkii, rabeyba loo diidye
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye
Miyeydnaan rogeyn ceebta waa, la iska reebaaye.

Bal aan is dul taagno gabeygan abwaan Axmed Jaamac Cali (Caad-leef). Bal aan fiiro gaar ah siinno taariikhda uu gabeygan tiriyey, oo 1953kii ahayd. Bal aan meeriskan miisaanka leh, laabta u sii deyno.

Caad-leef waxa uu yidhi:

Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye.

Waxa aan odhan kareynaa: waa sawir fara badnaantii beeshii Toljecle, ee sannadkii 1953kii, tilmaan sugan ka baxinayey.

Muddo toddoba sannadood ah ka dib, oo ku beegan 1960kii, aya'u abwaan Jaamac Axmed Jaamac "Gacma-dheere" – Habar Jecle, aya'u Toljecle gobol beesha Habar Jecle ka mid ah, uu ku sheegey.

Gacma-dheere waxa uu yidhi:

Muusaha garkaa bari degee, guro fog baan sheegtey
Reer Maxamedkaa Geela leh, ee gudub degaan sheegtey
Samanaha xarrago gaanbiyee, lagu gartaan sheegtey
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtey
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtey
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtey.

Gunaanad:
Sidaas darteed, beeshu wa'ay magacyo badantahay mooyaan'e, waa beel kali ah.

- Habar Toljecle
- Toljecle
- Habar Xabuusheed
- Habar Jecle

Afartaas magacba, beesha Habar Jecle ayaa iska leh.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |