Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Toljecle-ha Maanta

 

September 19, 2013

Toljecle-ha maantu waxa ay magacan Toljecle la wadaagi'jireen, beeshooda Habar Jecle oo intii aanu magacan Habar Jecle soo ifbaxin, ayaa Toljecle ama Habar Toljecle dhammaantood la isku odhanjirey.

Magacan Toljecle waa magac fac weyn, oo soo jireen ah. Waa magacii beeshan Habar Jecle ee Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe) ay galbeed ula soo guurtey. Waa magac beel weynta Habar Jecle oo dhan ka dhaxeynjirey.

Sidaas darteed, beeshu waa Ugaadh Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle. Sida beesha Ugaadh Aadan inteeda bari ay Habar Jecle u tahay, aya'ay inteeda galbeedna ay Habar Jecle u tahay. Sababta oo ah, Aadan Maxamed (Aadan-madoobe) meel kasta oo uu kala dagganyahay, waa wada Ugaadh Aadan, oo waa wada Habar Jecle.

Si kasta ha ahaata'e, jilibbadan Toljecle, waa wada Ugaadh Aadan. Isbahaysigii ka hor, jeesas yaryar, oo kala qeybsan, oo kala deegaan ah, oo kala mag, aya'ay ahaanjireen. Ha'se ahaata'e, markii danbe ayaa magaca Toljecle lagu wada mideeyey.

Sii jiritaanka magaca Toljecle, tognaan iyo tabnaanba waa laga'la kulmey. Dhinacii magta iyo qaadhaanku, si fiican aya'ay in muddo ah ay u shaqeeyeen; oo lagu'ma khasaarin. Laakiin magacu waa ka iyaga iyo tolkood Habar Jecle kala gooyey, ee kala fogeeyey; ee inay laba beelood kala yihiin, loogu maleeyey ama loo moodey.

Waxa kale oo beeshan galbeed aan u suurta'gallin, ama aanay u'ba hawlgallin, inay jeesaskeeda kala baahsan, ee kala durugsan, inay isku soo wada dhaweyso, oo deegaan u gaar ah, ay u wada sameyso; oo talo mideysan ay sidaas ku wada yeeshaan.


Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |