Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Toljecle (Axmed Sheekh Isxaaq)?

February 16, 2015

Toljecle:

Toljecle, waa kii uu abwaan Dirir Warsame - Habar Jecle - uu qarnigii 19aad uu sheegey, ee uu yidhi:

Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad, midigta maw saarey.

F. G. Beeshan Habar Jecle ee haddeer, in Toljecle waagaas la odhanjirey, ayaa halkaas inooga cad.

_____________

Toljecle, waa kii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan, uu 1905tii isaga oo Sheekh Cabdillaahi Axmed (Ina Shixiri) - Habar Jecle - sii farriimeemeynayey, uu geeraarka ku sheegey, ee uu yidhi:

Cabdalla maan qaboobiyo
Xirsi maakib laawow 
Mid yar waxad tidhaahdaan
Mmurtidiinta reer Hagar
Habar Yoonis madasheed
Mariya weedha aan idhi
Toljeclaha muraadkaygiyo
Masafadeyda ula taga
Maqashiiya uunkaba
Miyir inuu ku soo galo
Mid mid waxow tidhaahdaan
Nimanka mooradii furey
Mawaaciidda diinkii
Ma wax laysku maagaa? 

F. G. Toljecle kale, oo Habar Jecle aan ahayn, oo Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu taageero ka dalbadey'i, miyuu waagaas jirey?

_____________

Toljecle, waa kii uu abwaan Maxamed Nuur Fadal - Habar Jecle - uu 1923kii sheegey, ee uu yidhi:

Cali Dhuux dharbado reer Isaaq, waw dhug leeyahaye
Wuxu weliba dheeraad ku yahay, dheegga aan ahaye
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacay
Ogadeen dhasheega iyo sidii, ceel dhanaan noqoye.

F. G. Beeshan Habar Jecle ee haadeer, in Toljecle waagaas la odhanjirey, ayaa halkaas inooga cad.

_____________

Toljecle, waa kii uu abwaan Maxamed Nuur Fadal - Habar Jecle - uu sheegey ee uu yidhi:

Dhangadaha kolkii dhabiga madhan, dhawda laga saarey
Dhawnbirkii Ogaadeen markuu, dhaanta daba qaadey
Ee aad ololka dhacadiidisaad, dhicin lahaydeene
Dhar caskii magaalada iyo dillaal, dhuuntey baa wadaye
Toljeclo haddii laga dhaciyo, dheegga Habar Yoonis
Ama dhalantidii Ciida-gale, lama dhaqaajeene.

F. G. Beeshan Habar Jecle ee haddeer, in Toljecle waagaas la odhanjirey, ayaa halkaas inooga cad.

_____________

Toljecle, waa kii uu abwaan Maxamed Aadan Caws (Yawle) - Habar Yoonis - uu 1935kii isaga oo canaanayey, oo inuu Dhulbahante iyo Ogaadeen uga hiiliyo ka codsanayey'i, uu ku lahaa:

Toljeclaha dacalkeyga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabey
Daarood baanu collowney
Ka darme baa ka shisheeya
Kan kalee ku dul meersan
Raga Daaqa ka jooga
Docmo kaa la gudboon
Daawo buu noo wada qaatey
Dadna waad noogu xigtaan
Dildiilahaa nagu yaal
Baad marba daawaneysaan
Nin walaalkii la dooxo
Darmo caadle ku seexdey
Wallee waa u doqoniimo
Danbina taa kama joogo.

F. G. Toljecle kale, oo Habar Yoonis ay oodwadaag lahaayeen, oo Habar Jecle aan ahayn'i, miyuu waagaas jirey?

_____________

Toljecle, waa kii uu abwaan Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) - Habar Jecle - uu 1953kii uu sheegey, ee uu yidhi:

Raaxada nugaaleed ninkii rabayba loo diidye
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye.
Miyeydnaan rogeyn ceebta waa la iska reebaaye.

F. G. Beeshan Habar Jecle ee haddeer, in Toljecle waagaas la odhanjirey, ayaa halkaas inooga cad.

_____________

Toljecle oo marna Habar Toljecle loogu yeedhi'jirey'i, waa kuu Salaan Carabey - Habar Jecle - uu sheegey ee uu yidhi:

Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo, dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan, ducuminaayaaye
War yaan idin dardari waayinoon, dunida aafeyne
Wax belaayo lagu diimiyaa, duul u waajibaye
Colkan Habar Toljeclo loola dudi, daw kalaw furane
Allow yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeya.

_____________

Sidaas darteed, Toljecle waa Toljecle-haas, oo haddeerna waa Habar Jecle. Toljecle kale, oo deegaanadan bari ama galbeed ku noolaanjirey, oo kaas aan ahayni'na, ma aanu jirin; oo taariikhdu ma aanay sheegin.

Toljecle'han haddeer galbeed ka jiraa'ina, waa Aadan-madoobe'hii, ay duruufihii dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad, ay galbeed u soo rareen.

_____________

Axmed Sheekh Isxaaq:

Sida dad badan'i ay rumeysanyihiin, magacan Axmed Sheekh Isxaaq waxa laga soo dheegtey, qisadii Nabi Ibraahiim (CS).

Xaaskii Nabi Ibraahim (CS), oo Sara la odhanjirey, ayaa qaddar Alle daraadiis, ayaa Nabi Ibraahim (CS) ubad u yeelan weydey. Markii iyadu ay Nabi Ibraahim (CS), caruur u dhali weydey, aya'ay Hajir oo jaariyaddeedii ahayd, aya'ay Nabi Ibraahim (CS) u dhistey. Hajir-na Nabi Ismaaciil (CS), aya'ay Nabi Ibraahim (CS), ay u dhashey.

Sidaas si la mid ah, ayaa loo yidhi: Magaado markii ay Sheekh Isxaaq caruur u dhali weydey, aya'ay jaariyaddeedii oo Xabashiyad ahayd, ay Sheekhii u dhistey. Xabashiyaddiina, Axmed aya'ay ku curatey.

 

F. G. Qisadaas Axmed Sheekh Isxaaq, oo sidaas u jirtey, aya'u Alla ha u naxariisto'e, Sheekh Ismaaciil Daraawiish, uu beeshan Toljecle ee galbeed uu ku maamuusey, oo uu u bixiyey.

Sababtu'na waxa ay ahayd, beeshan Ugaadh Aadan-madoobe, oo ka hor intii aan colaadii sokeeye lagu burburinin, oo aan lagu kala qaxinin, iyadu beelahii Habar Toljecle ama Toljecle la isku odhanjirey, ee haddeerna Habar Jecle loo yaqaanno, iyadu - waa Ugaadh Aadan-madoobe'e - ugu wada mudneyd, oo ugu wada ilbaxsaneyd.

 _____________

Curad:

Curad waa kii uu abwaan Maxamuud Jaamac (Daallin) - Habar Jecle - uu 1952kii uu sheegey, ee uu yidhi:

Cirir baa ku toommama ninkii, Caawin weerara'e
Cayaar looma gelin maanta iyo, curadkii reer Sheekhe
Wax badanbaa qabiil soo calmaday, cuney waraabuuye.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 


 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |