Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Saldanadda Habr Jecle

October 26, 2019

Qarnigii 20aad ka hor, guud ahaan beesha Maxamed Abokor, gaar ahaan-na beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ayaa saldanadda beel-weynta Habar Jecle-da, u talin jirtey.

Dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad
Beesha Aadan-madoobe, oo ilbaxnimo iyo xadaarad guun ah lahayd, oo maraakiib iyo doonyo-na lahaan jirtey, oo Carabta iyo Hindida-ba xidhiidh ganacsi la lahan jirtey, oo saldanadda beesha Habar Jecle-na iyadu hoggaamin jirtey, ayaa qarnigii 19aad la xasadey, oo la ximiyey, oo la xasaradeystey.

Ugu horreyntii, beesha Yeesif Maxamed Abokor ayaa lagu soo dhaqdhaqaajiyey, oo lagu soo sallidey. Ka dib markii Aadan-madoobe iyo Yeesif isku dhaceen, ee foodda ay is dareen, ayay Habar Jecle-dii kale oo idil’ina ay dagaalkii soo wada galeen. Beesha Yeesif Maxamed ayay la soo wada safateen, oo ay u wada hiiliyiin.

Beesha Aadan-madoobe, ayaa la iskugu wada tagey, oo inta dhinac laga wada marey, ayaa gees kasta laga soo weerarey. Hujuum afar-jihood ah, ayaa bad iyo barri-ba, lagaga soo qaadey.

Si kasta ha ahaato’e, dagaalkii wuu daba-dheeraadey, oo muddo nus qarni ku dhawaad ahayd, ayaa la is garaacayey, oo la kala adkaan waayey. Ha’se ahaato’e, aakhiritaankii beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe, ayaa laga xoog roonaadey, oo lagu jabiyey; oo afarta jihood-na loo kala qaxiyey.

Saldanaddii beesha Aadan-madoobe, xadaaraddii beesha Aadan-madoobe iyo ilbaxnimadii beesha Aadan-madoobe, ayaa halkaas lagu burburiyey, oo lagu bililiqeystey; oo dambas laga dhigey.

Beesha Aadan-madoobe intaas lagu ma deynin, oo lagagama hadhin’e, dagaal qabow, oo hor leh, ayaa lagu bilaabey. Taariikhdeedii iyo abtirsiinteedii, ayaa dacaayado rakhiis ah iyo deel-qaafyo dhagareysan lagu dhex daadiyey; oo lagu wada nasakhey.

Dhaxal-wareejintii saldanadda Habar Jecle
Gumaadkii iyo bara-kicintii beesha Aadan-madoobe ka dib, khilaaf xooggan ayaa beesha Maxamed Abokor iyo beesha Muuse Abokor soo kala dhex-galey. Saldanaddii beesha Aadan-madoobe ayay isku qabsadeen, oo ay ku heshiin waayeen. Muuse Abokor, oo saldanadda shuqul iyo shaqo aan horey ugu lahaan jirin, ayuu dmac ka galey. Maxamed Abokor-na, wuu ka diidey.

Murankii saladanaddu markii uu fogaadey, ayay odayaashii labada beelood ay shir weyne iclaamiyeen. Waa la isku yimid. Nasiib darro, waa la isku tanaasuli waayey, oo dhinac wali-ba tiisii ayuu ku adkeystey.

Ka bacdi, odayaashii beesha Muuse Abokor, oo gar iyo gardaro-ba saldanadda ku doonayey, oo cadheysan, ayaa isla goobtii kaga dhawaaqey:

  • Tolnimadii beesha, inay tuureen
  • Magacii Habar Toljecle (Toljecle), inay ka digo-rogteen
  • Magaca Habar Jecle, inay la baxeen
  • Saldanad u gooni ah-na, inay ku dhawaaqayaan.

Beesha Muuse Abokor, sidii ayay kaga dhabeysey, oo magacii Habar Toljecle (Toljecle) way iska baddashey, oo Habar Jecle ayay la baxdey. Suldaan cusub oo iyaga ah-na, way u cumaamaddey.

Xaaladdu markii ay sidaas u cakirantey, ee beesha Muuse Abokor ay samo-diid noqotey, ee tolnimadii-na ay xeerin weydey, ayay beesha Maxamed Abokor ka roonaatey, oo saldanaddii inta ay uga tanaasushey, ayay wali-ba magacii Habar Jecle-na ka ogolaatey; oo ay la wadaagtey.

Maalintaas ayaa saldanaddii beesha Ugaadh Aadan-madoobe si rasmi ah loo dhaxal-wareejiyey, oo magacii Habar Toljecle (Toljecle)-na, cawda loo jarey.

 

Ugaadh Aadan-madoobe, waa saddex jilib:

  • Cabdille Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)
  • Xasan Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)
  • Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)

 

Beesha Ugaadh Aadan-madoobe

  • Toljecle
  • Sanbuur
  • Habar Jecle dhex-yaal (Aadan-madoobe)
  • Badeed (Axmed Faarax dhex-yaal)
  • Colow (Axmed Faarax dhex-yaal)
  • Wacays (Ogaadeen dhex-yaal)
  • Wacays (Habar Jecle dhex-yaal)
  • Wacays (Toljecle ah)
  • Muxumed (Warsangali dhex-yaal)
  • Muxumed (Habar Jecle dhex-yaal)
  • Muxumed (Toljecle ah)
  • Dhuxul (Habar Jecle dhex-yaal)
  • Dhuxul (Toljecle ah)
  • Ismaaciil Aadan (Bah-Sanbuur - Habar Jecle dhex-yaal)
  • Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh (Toljecle ah)
  • Dhulbahante dhex-yaal
  • Ugaadh Abokor (Ugaadh-yahan) dhex-yaal

 

Deegaannada Ugaadh Aadan-madoobe

  • Sanaag
  • Sool
  • Togdheer
  • Maroodi-jeex
  • Gabiley
  • Jibuuti
  • Kililka Shanaad
  • Kililka Afraad
  • Koonfur Galbeed Soomaaliya
  • Waqooyi Bari Kiiniya

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |