Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Qabaa'ilan Li'tacaarafuu

April 21, 2018

Beel weynta Aadan-madoobe, sidii dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad uu u kala qaxiyey, dib isku ma aanay soo haybsanin, oo dib isku ma aanay soo wada raadsanin. Nasiib darro, isma'na wada tirsato, oo beelo kale ayay ku kala dhex baahsan tahay; oo badhkeedna ay ku dhex milmeen.

Beesha inteeda istaqaanaa’ina, taariikhdeedii saxda ahayd way ilduuftey, oo aad iyo aad ayay u baal marsan tahay. Qaladkaas'ina muddo hore ayuu dhacey, oo dacaayado rakhiis ahaa, oo beesha lagu soo dhex daadiyey ayaa sababey. Isla tashwiishkaas ayaa nasiib darradan beesha u keeney, oo sii kala furfurey, oo midnimadeedii’na si xun u dhaawacey.  

Runtu’se waxa ay tahay, beesha Aadan-madoobe waa wada Ugaadh Aadan-madoobe. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayay dagaalkii sokeeye gashey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayay kala qaxdey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah’na, wali way kala maqan tahay.

Beeshu waxa ay u kala baxdaa:

  • Cabdille Ugaadh
  • Xasan Ugaadh
  • Ibraahim Ugaadh

 

Ugaadh Aadan-madoobe

 

Beeshu kala qaxitaankeedii ka dib, waxa ay ku kala sugan tahay:

  • Sool
  • Sanaag
  • Togdheer
  • Maroodi-jeex
  • Gabiley
  • Kililka Shanaad
  • Kililka Afraad
  • Waqooyi Bari Kiiniya
  • Koonfur Galbeed Soomaaliya
  • Iyo meelo kale oo geeska Afrika ka tirsan.

Beeshu kala jabkeedii ka dib, waxa ay u kala qeybsan tahay:

  • Toljecle
  • Sanbuur
  • Habar Jecle dhex-yaal (Aadan-madoobe)
  • Badeed (Habar Jecle dhex-yaal)
  • Colow (Habar Jecle dhex-yaal)
  • Wacays (Ogaadeen dhex-yaal)
  • Muxumed (Warsangali dhex-yaal)
  • Dhulbahante dhex-yaal
  • Ugaadhyahan dhex-yaal (Ugaadh Abokor)

Hadda’ba beesha waxa la gudboon, in aanay waxii horey u soo daashadey, ee kala qeybqeybiyey, ee kala qobqobey, ee kala fogeeyey, in aanay dib u sii eeganin; oo intaas in ka badan’na aanay sii huursanin.

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e

Iyaba waa is doontaan hadday, kala dibboodaane.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |