Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Magacu Habar Jecle ma aanu ahayn

 

November 1, 2012

Habar Awal, waxa loogu yeedhaa: Awal
Habar Garxajis, waxa loogu yeehdaa: Garxajis
Habar Toljecle, waxa loogu yeedhaa: Toljecle

Waxa kale oo aan ognahay, in buug kasta, ama qoraal kasta, oo taariikhdii beelahan kor ku xusan wax lagaga qorey, inay magacyada beelahaasi ay labadaas qaab midkood, inay u diiwaangashanyihiin.

Haddaba beesha in Habar Toljecle (Toljecle) la odhanjirey waxa u dalliil ah:

Kow:-

b) Diiwaankan lagu ururiyay magacyada qabaa’ilka Afrika, ayaa lagu sheegey inuu magaca beeshu uu yahay: Habar Toljecle; oo marka magaceeda la soo gaabiyana uu yahay: Toljecle.

 t) Gabey uu Dirir Warsame  (Habar Toljecle) uu qarnigii 19aad uu tiriyey, aya'ay ku jirtey:

Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye

Laba:

b) Qoraalkan ku lambaraysan (IOR/R/20/A/3601) ee ku taariikhaysan (1933), aya'u Xaaji Faarax Oomaar uu ku diiwaangashanyahay: Habar Toljecle  - Xasan Daahir.

t) Qoraalkan ku taariikhaysan (1st June, 1953), ayaa isagana lagu sheegey in uu Caaqil Jaama Maxamuud uu yahay caaqilka beesha Habar Toljecle.

j) Buuggan ku taariikhaysan qarnigii 19aad, waxa ku qoran Mohammed Jibril oo ah: Habar Toljecle  -  Muuse Abokor.

x) Taariikhda qoran ee Somaliland, ee uu buuggan (Official history of the operations in Somaliland, 1909-04) uu ka midka yahay, oo iyagu'na beelaha Somaliland si mug leh u kala qaadqaadaya, ayaa iyagu'na dhammaantood inoo xaqiijinaya inuu magaca beeshani uu yahay: Habar Toljecle.

Kh) Doorashadii Somaliland ka dhacdey (Feb.1960) ee baarlamaanka, ayaa iyadu'na ka marag ah inuu magaca beesha u diiwaangashanaa, ee doorashadii ay ku gashey'i uu Habar Toljecle yahay. Eeg (shaxda 6aad ee bogga (545),

d) Dhammaan shirar beeleedyadii dib-u-heshiisiinta ee beelaha bariga Somaliland, ee 1992kii ilaa 1993kii, waxa beeshu ay kaga qeyb gashey magaca: Habar Toljecle.

Suldaan Cabdillaahi Cali, oo shirkaas ( Ceerigaabo) beesha uga qeyb galey, waxa u qoran oo uu ku saxeexey: Habar Toljecle (Gar-adag).

Saddex:

Xildhibaannadii Somaliland ee 1960kii, ayaa iyaga'na xildhibaan kasta, magaciisa iyo beeshiisa la diiwaangaliyey. Sidaas darteed, waa kuwan xildhibaannadii beeshu:

Magac

Beesha

1- Axmed-Keyse Xaaji Ducaale

2- Michael Mariano

3- Maxamed Cali Faarax

4- Ciise Jaamac Maxamuud

Habar Toljecle

Habar Toljecle

Habar Toljecle

Toljecle*

 

Salaan Carrabey, ayaa isagu'na yidhi:

Colkan Habar Toljecle loola dudi, daw kalaw furane
Allaw yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeya.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

* Afarta xildhibaan, saddex waxa ay ku diiwaangashanyihiin: Habar Toljecle. Ciise Jaamac Maxamuud (Habar Toljecle), waxa isaga'na lagu diiwaangaliyey: Toljecle.

Taasi waxa ay marag u tahay, in beeshan Habar Jecle, marna Habar Toljecle loogu yeedhi'jirey, marna Toljecle loogu yeedhi'jirey.

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |