Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Madmadoobow Allaa Ku Yaqaan!

August 27, 2018

Beel weyntii Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), inuu dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad, inuu kala qixiyey, oo uu xadaaraddeedii iyo ilbaxnimadeedii’ba inuu burburiyey’i, waa run taariikheysan; oo waa la wada ogyahay.

Waxa’se aan la wada fahamsaneyn, colaaddaas ka bacdi, sababta beesha kala qarisey, ee ay isku wada sheegan weydey, ee ay isku soo wada haybsan weydey, ee ay u wada midoobi weydey.

Si aynu qodobkaas wax uga ogaanno, waa in aynu jabkii beesha ku dhacey, ee ay soo martey, waa in aynu dib u raadraacno, oo aynu wax ka iftiimino. Hadda’ba sida taariikhdu ay tilmaameyso, beesha markii la jabiyey, afarta jiho ayay u kala firxatey.

Tusaale:

  1. Toljecle intan loo yaqaanaa'i, galbeed ayay u soo qaxdey.
  2. Aadan-madoobe intan loo yaqaano iyo qeyb kale'na, Dhulbahante ayay u magan galeen.

Xaaladdaas waxa ka dhalatey:

  • inay intii galbeedka timid’i - waa Toljecle'e -, inay magaca Habar Jecle oo intii ay soo maqnaayeen lala baxey, inay iyagu beesha inteeda kale ay ku raaci waayaan, oo ay la qaadan waayaan, oo ay ku diidaan.
  • inay intii Dhulbahante ka soo xanaaqdey, ee dib uga soo guurtey'i, inay iyagu'na magacii Aadan-madoobe, inay isku koobeen, oo xataa magacii Ugaadh Aadan-madoobe ee ay beeshu ku wada abtirsan jirtey ay qariyaan; oo abtirsiintoodii saxda ahayd ay isku dhex daadiyaan, oo ay isku qasaan.

    F.G. Dacaayad ka carar iyo cabsi kale, ayaa ku kalliftey.

Sidaas darteed, Toljecle ayaan ahay, oo faahfaahin kale aan lahayn, iyo Aadan-madoobe ayaan ahay, oo tafaasiil kale aanay la soconin, ayaa inay laba beelood kala yihiin, loogu maleeyey.

Tusaalahaas marka laga yimaaddo, dagaalkaas sokeeye ka dib, beeshu way kala maqan tahay, waa'na ismooggan!:

  • Sanbuur - Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
  • Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe ( Warsangali la yaal)
  • Wacays Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe (Ogaadeen la yaal)
  • Dhulbahante la yaal kale
  • Ugaadh Abokor (Ugaadhyahan) la yaal.

Beeshu guud ahaan, waa saddexdan:

  1. Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
  2. Xasan Ugaadh Aadan-madoobe
  3. Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Anuun baa dhaxantu xaley iigu timid, dhimirsigii ciile
Dhegxumada aniyo baa masa, dheecdan reer Gude'e
Wallee ama dhilfida laygu xidhey, dhoobo qolof saarey
Wallee ama dhulkaba waan ka tegi, dhaaban magaciiye.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

   

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |