Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Isaaqa Koonfureed iyo Dirka Koonfureed

September 22, 2020

Isaaqa koonfureed iyo Dirka koonfureed ba, waa Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal.

Runtu waxa ay tahay, saami-qeybsiga siyaasadeed, ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, inay ka Isaaq ahaan iyo ka Dir ahaan ba, inay beelaha Biyo-maal, Gaadsan, Surre iyo Awr-maal, inay xaq u leeyihiin; oo iyagu ay iska wada leeyihiin.

Waayo, iyaga ayaa deegaan ku ah, iyaga ayaa maamulkaas ka tirsan, iyaga ayaa Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ka mid ah, iyaga ayaa wax wada qeybsi beelahaas la wada leh, iyaga ayaa beelahaas oodwadaag la wada ah, iyaga ayaa dhibaatada beelahaas iyo dheefta beelahaasi ba, ay wada khuseeyaan.

Sidaas darteed, Isaaqa intiisa kale iyo Samaroonka iyo Ciisuhu, waa in aanay Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waa in aanay magaca Direed wax kaga doonanin, oo magaca Direed aanay saami kaga dalbanin, oo magaca Direed aanay xilalal iyo kuraas kaga raadsanin. Sababta oo ah, iyagu deegaan ahaan iyo maamul ahaan ba, Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ma hoos tagaan, oo shuqul iyo shaqu kuma lahan; oo deegaannadoodu waa u gaar, oo maamulladoodu waa u gooni, oo ilaa haddeertan, Dawladda Fadaraalka, way ka madax bannaan yihiin.  

Haddaba beelaha Biyo-maal, Gaadsan, Surre iyo Awr-maal, waa inay iyagu wada baraarugaan, oo kaalmaha siyaasadeed, ama doorarka siyaasadeed iyo saami-qeybsiga beelood ba, waa inay iyagu Isaaq ku masalaan, oo Dir ku masalaan, oo iyagu wada qaadtaan, oo iyagu ku wada heshiiyaan, oo iyagu si hufan u wada qeybsadaan – bi idni Allaah.

Beelaha Biyo-maal, Gaadsan, Surre iyo Awr-maal, waxa looga baahan yahay, inay degdeg u wada xidhiidhaan, oo si dhakhso leh u wada tashadaan, oo haddeertan wada midoobaan, oo hoggaan mideysan wada sameystaan, oo qorshe mideysan wada yeeshaan - bi xawli Allaah.

Hadal waa murti’e, beelaha Biyo-maal, Gaadsan, Surre iyo Awr-maal, waa in aanay fursaddaas luminin, oo aanay dhayalsanin, oo aanay fududeysanin, oo aanay dayacin, oo sida ugu habboon, ee ugu macquulsan, ee ugu hagaagsan, ee ugu mudan, waa inay u kobciyaan, oo u koriyaan, oo u fuliyaan, oo u ilaashadaan - in shaa Allaah.

Alla ha u naxariisto'e, Xaaji Aadan wuxu yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Saban tegey mid wali soo socdiyo, saaka waxa jooga
Saddexdaa siyood yaa xaal adduun, lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma jiro shaley wixii, saadufoo tegey'e
Midka soo socdiyo saaddambena, waa su’aal maqane
Ogow taladu waxey suubantahey, saaka waxa jooga.

Midnimo iyo guul – in shaa Allaah.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |