Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

Maxamed Sheekh Daahir Habar Xabuusheed

January 27, 2019

Magaca Habar Xabuusheed, waa magac asal ahaan xeeladeysan, oo waa magac tabnaan ku baxey; oo waa magaca beeshu, ay aad iyo aad u eeddey.

 

Magaca Habar Xabuusheed, waa magac dhiileysan, oo munaafaqadeysan, oo beel isku isir ahayd, oo isku deegaan ahayd, oo isku taariikh ahayd, oo magac iyo maamuus wadaag ahayd, waa magac lagu kala qeybqeybiyey.

 

Magaca Habar Xabuusheed, mar beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ayaa inta lagu jarjarey, ayaa jeex kasta’na, magac-u-yaal ujeeddeysan loogu wan-qaley. Magacaas Habar Xabuusheed, beesha Aadan-madoobe wuu kala qolo’qoleeyey, oo wuu kala qobqob’bey, oo wuu kala qariyey.

 

Magaca Habar Xabuusheed, marka kale’na, beeshii Habar Toljecle/Toljecle la isku odhan jirey, ayaa inta lagu kala goo’gooyey, oo gobol-gobol lagaga dhigey, ayaa gobol yar oo kasta’na, magac ahlu-beyteysan, oo maan-dooriye ah, ayaa loola baxey; oo loogu yeedhey. Mabsuudiin ayay magacyadaas ku wada noqdeen. Ka dib’na, iilashii loo qodey, ee lala doonayey, ee lala rabey, ee magacyada ahlu-beytyada loogu dul qorey, ayay si fudud oo madax-madax ah, ay ugu wada daadteen.

 

Nasiib wanaag’se, magacii Habar Toljecle/Toljecle, ma aanu tirtirmin, oo suugaanteenii baxsaneyd iyo qoraalladii dhul-mareennadii shisheeye, ayaa badbaadiyey, oo xafidey, oo keydiyey, oo dhaxal aan duugoobeynin ka dhigey.

 

 

Hadraawi ayaa yidhi:

 

Maxay doqoniimo tidhi
Ruuxaan jirin raad ku doon
Intaan isku duubey been
Ka buuxsadey labada dacal
Maxay runi daadi tidhi.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

F.G.

Magaca Habar Jecle, oo beeshu dhawaan la baxdey, ayaa suugaantii dhaxal galka ahayd, lagu nasakhey. Tusaale:

  • Halkii Habar Toljecle ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.
  • Halkii Toljecle ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.
  • Halkii Habar Xabuusheed ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.  


 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |