Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Gob iyo Geed ku Kulankeed

June 16, 2014

Beesha Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), meel ayay beelaha kale ee walaalaheed ah, ee Habar Jecle kaga duwan tahay. Halka aanay kala midka ahayn'i, waa iyada oo sidii ay colaaddii sokeeye ee qarnigii 19aad u kala qaxdey, aan ilaa haddeertan oo qarnigii 21aad lagu jiro, beeshu ay wali sidii u kala maqantahay. Waa nasiib darro'e, inay isa soo urursato, oo taladeeda iyo tamarteeda'ba ay mideyso, ayay garan laadahay; oo ay ka indho iyo dhago laadahay.

Sida aynu wada ognahay, reero badan, oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayaa ilaa maantadan ku dhex milan, oo ku dhex jira, beelaha ay ka midka yihiin: Warsangali, Dhulbahante, Ogaadeen iyo Ugaadh Abokor (Ugaadh-yahan).

Sidaas daraadeed, waxa madaxdhaqameedka beesha oo dhan, haddii ay Sanaag joogaan, ama Sool ay joogaan, ama Togdheer ay joogaan, ama Hararge ay joogaan, ama Kililka Shanaad ay joogaan, ama Gabiley ay joogaan, ama Maroodi-Jeex ay joogaanba, waxa looga wada baahanyahay, inay idilkood wada xidhiidhaan, oo ay is wada arkaan, oo beeshii Ugaadh Aadan-madoobe, ay dib u wada mideeyaan.

Madaxdhaqameedka oo kali ah, ayaan hawshan lagu halleynin'e, waa inay haween iyo rag, dhallinyaro iyo waayeel, aqoonyahan iyo waxgarad, haldoor iyo indheergaradba, waa inay fadhiga ka wada kacaan, oo sidii beeshan kala durugsan ay mar kale iskugu soo wada dhaweyn lahaayeen, ee ay iskugu soo wada ururin lahaayeen, ee ay u wada mideyn lahaayeen; waa inay u wada hawl-galaan.

Goortu waa goorteedii, oo "yaa maali jirey'yey"dii ayaa la gaadhey, oo beeshu inay waxii u wanaagsan, ee danteeda ah, ee sharafteeda ah, ee midnimadeeda ah, inay ka wada shirto, oo ay ka wada tashataa'i, waa ku waajib.

Alla ha u naxariisto'e, Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carabey) ayaa yidhi:

Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad, dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxuu, kugu dhalliilaaye
Nin dharbaaxo quudheed dugsadey, dhaqantadeed maalye
Dhashaadey suggtaa xaajadaad, dhawrataa abide.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |