Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Dhuux Baraar

December 21, 2014

Dhacdooyin badan, oo sidii ay ahaayeen aan loo soo tabinin, oo la majara'habaabiyey, oo taariikh laga dhigey, ayaa badan oo buux ah. Waxa ka mid ah: Dhuux Baraar.

Taariikhdii Dhuux Baraar ee runta ahayd iyo ta lagu shaambadeeyey'i, waa labao aan is lahayn, oo aad iyo aad u kala fog. Beel aanu ahaan jirin, ayaa lagu sheegey. Boqor aanu ahaan jirin'na, waa loo nisbeeyey. Ha'se ahaata'e, waxa uu ahaa: caada-qaadte, Gabooye ah.

Xoolo-dhaqatada ayuu la guurguuri jirey, oo kolba xaamiladii uu ka war helo, ayuu korka kala socon jirey. Bulsho dhalashada wiilasha, aad iyo aad ugu farxi jirtey, oo isha iyo cawrida'ba ka ilaashan jirtey, ayuu ka dhax shaqeysan jirey. Mihnaddiisa ayuu dadka ku cabsi galin jirey, oo lagaga baqan jirey.

Heer waxa uu gaadhey, aan dalabaadkiisa laga hor iman kari jirin, oo aan lagu diidi kari jirin. Markii danba'na, waa bu sii korodhsadey, oo taageerayaal badan, oo isaga taabacsan, ayuu sameystey.

Waxa uu bulshada ku amar-ku-taagleeya'ba, nin kale oo isaga'na aad looga wada baqan jirey, oo kibir iyo budhcadnima'ba isku darsadey, oo xoolaha dadka hadhka cad dhici jirey, ayuu wiil u dhashey.

Caada-qaadtihii ayaa cawaandigii khatarta ahaa, ka soo dul dagey. Waa yaab'e, ninkii laga wada cabsan jirey, oo wiilkiisa u baqanaya, oo wax walba u ogol ayuu arkey. Sidaas darteed, dalabaadkii ayuu ku kordhiyey. Inuu dhuux baraar ka soo dhargiyo, ayuu ku amrey.

Sheekadii ayaa reerahii ku dhax fiddey, oo isla markii'ba way wada gaadhey. Dareen cabsi leh, ayaa beeshii galey. Waxa ay ka baqdeen, inuu ninkaas ma naxaanka ah'i, inuu baraarkooda caada-qaadtaha u wada bireeyo, oo ay wada ceydhoobaan.

Sidaas darteed, beeshii way tashatey. Go'aan ayay degdeg u gaadhey. Isla habeenkii'ba, si gaadmo ah, ayay caada-qaadtihii ku dilleen.

Sidaas ayuu magacan Dhuux Baraar ku yimid, oo caada-qaadtahaas Gabooye ugu baxey.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |