Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Daraawiishtii iyo Beesha Ugaadh Aadan-madoobe

January 12, 2020

Beesha Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), si aad iyo aad ahayd, ayay Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan ugu wada biirtey, oo uga wada mid noqotey; oo ugu wada idlaatey. Rag badan, oo Xaaji Suudi iyo Ina Shixiri ka mid ahaayeen, ayaa darajooyin sare ka wada gaadhey.

Beesha waa la ceydhsadey

Beesha Ugaadh Aadan-madoobe, oo saldanaddii Beesha Habar Toljecle (Toljecle) ka talin jirtey, oo xaddaarad guun ah lahayd, oo ilbaxnimo u gooni ah lahayd, oo dekad iyo maraakiib lahayd, oo Carabta iyo Hindida-ba calaaqaad ganacsi la lahayd, ayay Beesha Habar Toljecle (Toljecle) ay dagaal sokeeye ku qaaddey, oo iskugu wada tagtey, oo saldanaddii beesha ku burburisey, oo beeshii bara-kicisey; oo afarta jihood u kala qaxisey.

Sidaas darteed, beeshu guud ahaan, cadho iyo ciil badan, ayay dhammaan Beesha Habar Toljecle (Toljecle) u wada qabtey; oo u wada haysey.

Rag damqadey ayay ahaayeen

Nimankaas Daraawiishoobey, dareen ayaa wada kiciyey, oo damiir baa wada dhaqaajiyey, oo damaq ayaa xammaasad ku wada abuurey, oo wada Daraawiisheeyey; oo Ina Cabdille Xasan kala wada jaal dhigey.

Raggaas wada Daraawiishoobey, wax kalgacal Daraawiisheed ah, ama halgameed ah, ama Sayideed ah’i, kuma aanu jirin, oo ciidankaas uma aanu geynin, oo kuma aanu darin. Laakiin duruuf qallafsaneyd, oo colaadeed, oo cadaawadeed, oo ceydhsiyeed, oo beesha ku gadaaneyd, ayay ka wada carareen; oo gulufkaas ku wada kalliftey.

Nimankaas Daraawiishoobey badankoodu, qorsheyn u gaar ahayd, oo u qarsooneyd, oo ay isla wada meel dhigteen, ayay ku wada socdeen.

Raggu waxa ay damacsanaayeen

Ciidankaas beesha, ee wada Daraawiishoobey, gaar ahaan saraakiishu waxa ay doonayeen, inay iyaga oo magaca Daraawiisheed wada huwan, oo hubkooda ku wada gaashaaman, inay Beesha Habar Toljecle (Toljecle) beegsadaan, oo weeraraan, oo ka aarsadaan.

Ragga waxa hakiyey

Ina Cabdille Xasan, oo ra’yigiisa mid aan ahayn, aan lagu hawl-gali kari jirin, oo amarkiisa mid aan ahayn, aan lagu dagaal gali kari jirin, oo cidda tiisa ka hor-timaadda, ama uu uga shakiyana, seefta uun marin jirey, ayay dhan ay ka maraan waayeen.

Waa sababtaas ta hakisey, ee ku keentey, inay ama sidii Ina Shixiri iskaga hulleelaan, ama inay si dhab ah iskaga Daraawiishoobaan.

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
Anuunbaa dhaxantu xaley iigu timi, dhimirsigii ciile
Dhegxumada aniyo baa masa ah, dheecdan reer gude'e
Wallee ama dhilfida laygu xidhey, dhoobo qolof saarey
Wallee ama dhulkaba waan ka tegi, dhaaban magaciiye.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |