Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Boqorkii Reer Sheekh Isxaaq!

January 12, 2018

Sheekooyin badan, oo mala’awaal ah, ama khuraafaad ah, oo dhacdooyin taariikheed loo ekeysiiyey, ama laga dhigey, ayaa buux ah. Qiso’xariirreedyadaas la been’abuurey’i, wa’ay kala da’ weynyihiin; oo wa’anay kala hab duwanyihiin.

Hadda’ba ku-tidhi-ku-teennadaas waxa ka mid ah: Boqor reer Sheekh Isxaaq ah, oo curadkii Sheekh Isxaaq ah, oo Toljecle ah, ayaa jiri’jirey. Waxa kale oo la yidhi: Beelihii reer Sheekh Isxaaq ayaa boqorkii shirqool u dhigey, oo ku dilley; oo ciidaankiisii’na iyaga ayaa cagaha mariyey, oo Toljecle iyaga ayaa afarta jiho u kala qaxiyey.

Waa sheeko’carruureed aanu maanku qaadan kareynin. Waa maaweelo’ubadeed aan caqliga galleynin. Sababta oo ah, boqortooyo beelaha reer Sheekh Isxaaq oo dhan u talinjirtey, oo wada xukumi’jirtey, aya’an wax raadraac ah lahayn, oo wax aasaar ah laga dhaxlin, oo wax astaan boqortooyadeed ah aan ka tagin, oo qoraal aan lagu haynin, oo suugaan aan lagu xusin, taasi waa allifaad; oo waa daahir yaa shams!

Mar haddii aanay boqortooyo Toljecle aanay jiri’jirin, sheekadii boqorku’na waa beeney, tacaal! Dabinkii la lahaa waa lagu khaarijey’ina, waa ka daryoo, dibi dhal! Masraxiyadda oo idili’na, waa dhalanteed iyo khayaal!

Runtu waxa ay tahay, beeshan Habar Jecle ayaa iyadu magacan Toljecle iska lahaanjirtey, oo iyada ayaa la odhanjirey. Toljecle kale, oo iyada aan ahayn, oo reer Sheekh Isxaaq ahna, taariikhdeena iyo soo’yaalkeenu ma aanay sheegin, oo laga’ma soo warinin, oo xataa suugaanteenu ma aanay xusin, oo lagu’ma soo tabinin. Sidaas darteed, Toljecle kale ayaa jireydu, waa goob iyo goor ka goblan, oo waa wax aan jirin.

Waxa iyadu’na marag ma doonto ah, in dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad dhacey, ee beelaha Aadan Maxamed Abokor iyo Yeesif Maxamed Abokor ay isku fara’saareen, ee beelihii kale ee Habar Toljecle/Toljecle’na ay Yeesif Maxamed kula soo safteen, ee beesha Aadan-madoobe la iskugu wada taggey, ee lagu jabiyey, ee xadaaraddeedii xeebaha’na lagu burburiyey, inuu dagaalkaaas boqortooyada Toljecle ee la sheegayaa’i, inuu colaaddaas oo la majaro’habaabiyey uun uu yahay.

Waayo, Toljecle-han maantu, waa Aadan-madoobihii uu dagaalkaas qarnigii 19aad uu soo bara’kiciyey, ee dhinacan galbeedka iyagu u soo cararey. Kuwa riwaayaddaas boqortooyada Toljecle allifey, ee sameeyey, ee xayeysiiyey, ee masaley’ina, waa iyaga, oo waa Toljecle-han.

Alla ha u naxariisto’e, Cabdi Iidaan ayaa yidhi:
Runtii shimiqda waxa looga dhigey, una shareernaatey
Ee ay beentu shaaraca ku timid, sheeg haddaad garato.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |