Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahirBeesha Ugaadh Aadan-madoobe

October 10, 2013

Beesha Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe), inteedii dagaalkii sukeeye ee qarnigii 19aad iyadu galbeed u soo haajirtey, ayaa sida la wada ogyahay, ee taariikhdu ay inoo bayaamisey, ayaa iyadu aasaaskii isbahaysigan Toljecle, ayaa iyadu sabab u ahayd; oo kaalin mug leh ka soo qaadatey.

Beesha Ugaadh Aadan (Aadan-madoobe) ka hor, beel Toljecle ah, oo galbeed laga yaqaanney'i, ma aanay jirin. Jilibbadan Toljecle ee haddeerna, qoys waliba beel kale ayuu magwadaag la lahaan jirey. Waxana mag ay magaca Toljecle ku wada bixiyaan ugu horeysey, markii ay beesha Ugaadh Aadan (Aadan-madoobe) ay magacan Toljecle, ay kula wada bahoobeen.

Isbahaysigan oo dhaqangaley qarnigii 20aad, aya'ay iyadu – waa beesha Ugaadh Aadan galbeed e – ay horseed ka ahayd, oo ay iyadu buddhig u ahayd. Waxa ay beeshan'i ahayd: maskaxdii iyo muruqii uu Toljecle'han maantu uu ku dhismey, ee uu ku hana'qaadey. Waayo, beesha Ugaadh Aadan-madoobe ee galbeed, ayaa iyadu tira ahaan iyo deegaan ahaan'ba ugu badneyd.

Hoggaan ahaan, ama madaxdhaqan ahaan'na, iyada – waa beesha Ugaadh Aadan'e - ayaa Toljecle u arriminjirtey, oo (chief) Caaqil Yuusuf Nuur (Cadde) iyo (Baalabaad) Iimaan Wacays (Iimaan Toljecle), oo labadoodu'ba Ugaadh Aadan ahaa, ayaa iyagu beesha hogaaminjirey.   
Ugaadh Aadan-madoobe Haddaba sida guud ahaan, ay beesha Ugaadh Aadan-madoobe oo idil'i, ay u kala deegaanka noqotey, ayay inteeda galbeedna ay u kala ood noqotey.

Waqtigii isbahaysigu uu galbeedka ka samaysmey, ayaa ku beegan xilligii ay beeshii Habar Toljecle ama Toljecle, ay magacii iska baddaleen, ee ay Habar Jecle la wada baxeen. Waayo, intii aanu magacan Habar Jecle aanu soo bixin, waxa beesha oo dhan la odhanjirey: Habar Toljecle oo lagu soo gaabsanjirey, Toljecle.

Waxana taas u dalliil ah:

Dirir Warsame  -  Habar Jecle
Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye.

Maxamed Nuur Fadal - Habar Jecle
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacay.

Maxamed Aadan Caws (Yawle) – Habar Yoonis
Toljeclaha dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabay.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan - Ogaadeen
Toljeclaha muraadkaygiyo
Masafadayda ula taga.

Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) – Habar Jecle
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye.

Ugu'ma danbeyn:
Magacyadu wa'ay isbadbaddali karayaan, laakiin abtirsiintu waa mid, oo waa halkii ay ahayd.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |