Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

 

MShDahir Beesha Aadan-madoobe

December 1, 2012

Afeef: Ummad afkeedu aanu qornaanjirin, taariikhdeedu qalad ma waayeyso. Sidaas darteed, qoraalkan haddii aad qalad ku aragtid, fadlan soo sax, oo - adiga oo mahadsan - ila soo xidhiidh.

--------------------------------------

Sida taariikhda ku xusan, qarnigii 19aad aya'u dagaal sokeeye, oo ku dhawaad nus qarni socdey'i, uu labada beelood ee walaalaha ah ee Aadan Maxamed (Aadan-madoobe) iyo Yeesif Maxamed, uu ka dhex qarxey.

Dagaalku sidii uu ku bilaabmey, iyo labadii beelood oo kali ah ku'ma aanu ekaanin'e, beelahii Habar Toljecle ama Toljecle ee kale ayaa dagaalkaas soo wada galey, oo Yeesif Maxamed aya'ay la soo wada safteen.

Weeraro afar-geesood ahaa, ayaa Aadan-madoobe lagu soo qaadey. Inkasta oo beeshu ay in badan isdifaacdey, oo nus qarni in ka badan ay mintidey, hadda'na aakhiritaankii waa loo xoog sheegtey, oo waa la jabiyey, oo dad iyo duunya'ba cagaha ayaa la mariyey; oo afarta jiho ayaa beeshii loo kala qaxiyey.

Beesha inteedii baxaarida ahayd, ee ama badda ku jirtey, ama dibadda ku maqneyd'i, qaaradaha aya'ay u kala qaxeen. Beesha badhkeed, Dhulbahante aya'ay u magan gashey. Badhkeed Sanaag aya'ay u qaxdey. Badhkeed dhinaca Ogaadeenka, aya'ay u jabtey. Badhkeedna, galbeed aya'ay foodda saartey.

Waxa kale oo iyagu'na jirey, qeybo aan iyagu qaxin, oo isla deegaankii ay deggenaayeen, iyagu gabbaad ka heley; oo Alla uu ku nabad galiyey. Waxa qeybahan ka mid ahaa: Beesha Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe (Sanbuur).

Dagaalkii ka Dib:

  1. Beesha inteedii Dhulbahante u magan gashey, inteedii badneyd'i dib aya'ay u soo guurtey, oo tolkeed aya'ay mar kale, soo dhex degtey. Sababtii ay u soo gurya'noqotey'ina waxa ay ahayd, beeshii Dhulbahante, ee markii hore magangalyada siisey, ayaa markii danbe gardarro iyo xasarad kala hor timiddey.
  2. Beesha inteedii kale, oo wax colaad ahayd'i aanay soo wajahin, aya'an iyadu ilaa haddeer aan deegaankeedii dib ugu soo noqonin. Tusaale: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh, sidii aya'u Warsangali ugu dhex milanyahay. Wacays Iidle Aadan Cabdille Ugaadh, sidii aya'u Ogaadeen ugu dhex milanyahay. Beesha inteedii galbeed, oo magacii ay bari kala soo guurtey ee Toljecle iyadu sidii u haysataa'ina, min Maroodi-jeex ilaa Kililka Shanaad, aya'ay ku kala baahsantahay.

Hadda'ba duruufahaas colaadeed ayaa beesha kala rarey, oo kala fogeeyey. Sidaas darteedna, beel nus qarni in ka badan dagaal ku jirtey, oo ka dibna muddo dheer sii kala maqneyd, oo sidii ay u kala xidhiidh furatey aan isa soo haybsannin, waxa hubaal ah in aanay warar isku mid ah, ama sooyaal is waafaqsan, in aanay wada hayn doonin.

Sidaas darteed, taariikh badan oo run ahayd, ayaa nasiib darro, la majara'habaabiyey, oo xaqiiqadii aad iyo aad looga leexiyey.

Taariikhdii beesha, halka uu qaladku ka soo galey:

  1. Waxa been ah, inuu Aadan Maxamed (Aadan-madoobe), inuu 3 (saddex) wiil dhaley. Saddexdaas wiil oo lagu kala sheegey: Ugaadh, Yoonis iyo Wacays. Eeg shaxdan – 1.
  2. Waxa run ah, inuu Aadan Maxamed (Aadan-madoobe), inuu 1(hal) wiil dhaley, ama 1(hal) wiil uu tafiir ka tagey. Wiilkaas'ina waa: Ugaadh. Eeg shaxdan – 2.

F.G. Ugaadh waxa uu dhaley: 1- Cabdiile - 2- Xasan 3- Ibraahim

Sidaas darteed, beesha Aadan-madoobe, waa saddexdaas jilib, ee kala ah:

1- Reer Cabddile Ugaadh
2- Reer Xasan Ugaadh
3- Reer Ibraahim Ugaadh.

Runtu waxa ay tahay, beesha Aadan Maxamed (Aadan-madoobe), dagaalkii sokeeye ka hor, Ugaadh Aadan-madoobe aya'ay wada ahayd. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe wada ahayd'na, dagaalkii sokeeye aya'ay wada gashey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe wada ahayd'na, wa'ay kala qaxdey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe wada ah'na, wa'ay kala maqantahay.

Sidaas darteed, beeshu waa wada Ugaadh Aadan, oo waa wada Habar Jecle. 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |