Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Awrmale (Awrmaal)

July 21, 2020

Awr-male (Awr-maal), oo Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe ah, oo Habar Jecle ah, oo Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Waqooyi Bari Kiiniya ku kala baahsan, oo ku kala sugan, ayaa Warsangali looga taag laayahay. Warsangali, waxa horey ugu gacan galey, oo ku maqan, oo ku dhex-milan: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.

Sidaas darteed, Muxumed iyo Awrmale (Awrmaal), haddii ay isa soo haybsadaan, oo isa sheegtaan, oo is toleystaan, oo is mideeyaan, iyaga ayaa isku isir ah, oo iyaga ayaa isku beel ah, oo iyaga ayaa tol ah; oo iyaga ayaa isku Aadan-madoobe ah. Laakiin Warsangali intiisa kale iyo Awrmale, meelna iskama soo galaan, oo Habar Jecle iyo Harti bay kala yihiin; oo Dir (Isaaq) iyo Daarood bay kala yihiin.

Taariikh ahaan, Beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ee Habar Jecle, waa beel fac weyn, oo xadaarad ayay lahaan jirtey, oo dakad iyo maraakiib ayay lahaan jirtey, oo Carabaha iyo Hindiya ayay xidhiidh ganacsi la lahaan jirtey, oo saldanaddii Habar Toljecle (Toljecle) ayay u talin jirtey, oo qarnigii 19aad ayaa dagaal sokeeye lagu qaadey, oo Habar Toljecle (Toljecle) ayaa iskugu wada tagtey, oo afarta jihood u kala qaxisey.

Markii afarta jihood loo kala didiyey, ayaa haddana taariikhdeedii iyo abtirsiinteedii la nasakhey, oo Aadan-madoobe la kala qeyb-qeybiyey, oo la kala qob-qobey, oo la kala qariyey, oo la kala qolo-qoleeyey.

Sidaas darteed, Beesha Aadan-madoobe, way kala wada luntey, oo way kala dibbootey, oo way kala baadiyowdey, oo way kala wada xidhiidh-furatey, oo - nasiib darro - dibna iskuma aanay soo wada haybsanin, oo dibna iskuma aanay soo wada urursanin, oo dibna iskuma aanay wada toleysanin, oo dibna iskuma aanay wada mideynin.

Hadal waa murti’e, Beesha Aadan-madoobe, deegaan kasta ha ku dhaqnaato’e, waa in aanay beeshu xaqiiqadaas marna illoobin, oo runtaas aanay taseynin, oo aanay sahashanin, oo aanay yareysanin, oo aanay fududeysanin.

Iiguma danbeyn, Beesha Aadan-madoobe, inay kala tafaraaruqsan tahay, oo kala maqan tahay, oo kala qolo-qoleysan tahay, waa inay xasuusnaataa; oo aanay hilmaamin.

Aadan-madoobe, waa saddexdan jilib:

  1. Cabdille Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)
  2. Xasan Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)
  3. Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)

 

Beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe)

- Toljecle
- Sanbuur – Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
- Awrmale (Awrmaal) - Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
- Habar Jecle dhex-yaal (Aadan-madoobe)
- Badeed (Axmed Faarax dhex-yaal)
- Colow (Axmed Faarax dhex-yaal)
- Wacays (Ogaadeen dhex-yaal)
- Wacays (Habar Jecle dhex-yaal)
- Wacays (Toljecle ah)
- Muxumed (Warsangali dhex-yaal)
- Muxumed (Habar Jecle dhex-yaal)
- Muxumed (Toljecle ah)
- Dhuxul (Habar Jecle dhex-yaal)
- Dhuxul (Toljecle ah)
- Ismaaciil Aadan (Bah-Sanbuur - Habar Jecle dhex-yaal)
- Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh (Toljecle ah)
- Dhulbahante dhex-yaal
- Ugaadh Abokor (Ugaadh-yahan) dhex-yaal
- Hawiye dhex-yaal
- Raxan-weyn dhex-yaal
- Oromo dhex-yaal

Deegaannada Aadan-madoobe ku kala baahsan yahay

- Sanaag
- Sool
- Togdheer
- Maroodi-jeex
- Gabiley
- Jibuuti
- Kililka Shanaad
- Kililka Afraad
- Koonfurta Soomaaliya
- Waqooyi Bari Kiiniya

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

Maxamed Sheekhdaahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |