Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

Abtirsiinta Beesha Biyo-maal

September 10, 2020

Abtirsiinta Beesha Biyo-maal
Biyo-maal, waa Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).

Biyo-maal, waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.

Biyo-maal waxa la dhashey: Gaadsan, oo waa ilma Siciid Ibraahim Ugaadh.

Ibraahim waxa uu dhaley:

  1. Biyo-maal iyo Gaadsan oo ah: Siciid Ibraahim  
  2. Sanbuur oo ah: Cabdille Ibraahim
  3. Awrmaal oo ah: Aadan Ibraahim

Biyo-maal, sida Awrmaal oo kale, waa Aadan-madoobihii dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad markii beesha lagu jabiyey, waa qeybtii geestaas Koonfureed u qaxdey, ee ilaa Waqooyi-Bari Kiiniya ku kala firidhey; ee ku kala tafaraaruqdey.

Biyo-maal, sida Aadan-madoobe oo idil u kala baadiyoobey, ayuu isaguna u dibboodey, oo u go’doomey, oo uu tolkiisii kale uga go’ay. Waana nasiib darro, oo xataa Awrmaal, oo ay isku beel yihiin, oo ay isku dhiig yihiin, oo ay isku isir yihiin, oo ay isku abtirsiin yihiin, oo ay isku Ibraahim Ugaadh yihiin, oo waliba ay ood-wadaag yihiin, ayaanu xataa haybsanin, oo aanu toleysanin, oo aanu ilaa haddeertan la midoobin.
 
Biyo-maal, waa bad la dhaqan, oo waa bad ku dhaqan, oo waa badley, oo badmareenimadii, ama badmaaxnimadii Aadan-madoobe ku caan baxey, ayuu xeebahaas ula guurey; oo uu ku dhaqmey.

Biyo-maal, Gaadsan iyo Awrmaal, waa isku isir, oo waa isku dhiig, oo waa isku abtirsiin, oo waa tol wada dhashey, oo waa isku deegaan; laakiin nasiib darro, way kala qolo-qoleysan yihiin, oo way kala beeleysan yihiin. Sidaas darteed, waa inay Biyo-maal, Gaadsan iyo Awrmaal, waa inay wada xidhiidhaan, oo dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan isku kaashadaan, oo degdeg u wada midoobaan – in shaa Allaah.

Waayo, midnimadoodu waa xoog aan la soo haweysan kari doonin, oo waa muruq aan lagu soo dhiirran kari doonin, oo waa cudud aan sadkeeda la damci doonin, oo cadkeeda aan la damaaci’i doonin – bi idni Allaah.

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |