Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Abtirsiinta Beesha Awrmaal

August 29, 2020

Beesha Awrmaal, ee Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe, ee Habar Jecle, waa beel dagaal sokeeye, oo qarnigii 19aad dhacey’i uu kala irdheeyey, oo dhinacaas iyo Koonfurta Soomaaliya, ilaa Woqooyiga Bari ee Kiiniya u kala qaxdey.

  • Beesha magaceedu waa Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe.
  • Naaneysteeduna waa Awrmaal, oo rarashada awrta ayuu ugu baxey.

Nasiib darro, sababo dahsoon, oo dhagareysan daraadood, ayaa naaneystii beesha Awrmaal loo nasakhey. Cawra-male ayaa lagu baddaley. Naaneystan xun, ee cawra-male, ee liidka ah, ee yasidda ah, ee fadeexadda ah, ee is astur la’aantu, waa naaneys ceebeysan, oo cawaansan, oo cawreysan, oo beeshu aanay gayin; oo beeshu aanay dhaqan u lahayn, oo beeshu aanay hiddo u lahay.

Awrmaal, waa beel diin leh, oo asluub leh, oo xishood leh, oo asturnaan leh, oo xadaarad leh, oo ilbaxnimo leh, oo isir suubban leh, oo asal siraadan ah, oo abtirsiin sugan leh, oo taariikh saxan leh; oo soo-yaal taariikheysan leh, oo waa beel fac weyn.

Awrmaal waa:

  • Aadan-madoobe-koonfureed
  • Habar Jecle-koonfureed
  • Isaaq-koonfureed
  • Dir-koonfureed.

Awrmaal waa: Ibraahim Ugaadh Aadan

Ibraahim Ugaadh Aadan waxa uu dhaley:

  1. Awrmaal - (Aadan Ibraahim Ugaadh Aadan)
  2. Sanbuur - (Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan)
  3. Biyo-maal iyo Gaadsan - (Siciid Ibraahim Ugaadh Aadan)

Sidaas darteed, Awrmaalow, haween iyo rag, waayeel iyo wax-garad, ardey iyo aqoon-yahan, waa inaad dhammaantiin ku-dhac yeelataan, oo dhiiranaan lahaataan, oo abtirsiintiina saxda ah, taariikhdiina sugan iyo isirkiina suubban, waa inaad ku dhaqantaan, oo ku dhagganaataan; oo ku dhaadataan – bi idni Allaah.

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |