Koonfur Bari (Marka) Iyo Jubbaland (Kismaayo)
February 13, 2023
Ku: Dirka Koonfureed
Ujeeddo: Koonfur Bari (Marka) Iyo Jubbaland (Kismaayo)
Dirka Koonfureedow!
Min Banaadir ilaa Jubbaland, waa hubaal, oo waa deegaan aad idinku iska leedihiin, oo waa dhul aad idinku ku dhaqan tihiin, oo waa gobollo aad idinku ugu cadad iyo cudud badan tihiin.
Sidaas darteed, waa inaad idinka oo wada mideysan, oo isku wada duuban, waa inaad gobolladiinaas aad soo dhacsataan, oo gobolladiinaas aad u talisaan, oo gobolladiinaas aad ka talisaan - bi idni Allaah.
Dirka Koonfureedow!
Waa hubaal, oo awood iyo aragti dheer, waad leedihiin. Laakiin se, way idinka qarsoon yihiin, oo waa aanay idiin muuqannin, oo waa aydinaan dhuganeynnin; oo nasiib darro, waad ka dhego iyo dhaayo, laadihiin.
Sidaas darteed, waa inaad wada baraarugtaan, oo waa inaad isku wada kalsoonaataan, oo waa inaad is wada taakuleysaan, oo waa inaad wada tashataan, oo waa inaad dhinac ka soo wada jeedsataan, oo waa inaad Maamulka Koonfur Bari (Marka), waa inaad si degdeg ah ugu dhawaaqdaan; oo waa inaad Maamulka Jubbaland (Kismaayo)na, waa inaad si degdeg ah ula soo noqotaan - bi idni Allaah.
Alla ha u naxariisto'e, Maxamed Nuur Fadal ayaa yidhi:
Nin naftiisa biime u geshiyo, bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo, boqonta mooyaane
Gobannimo bilaash looma helo, ban iska taaltaale.
Tix-galin mudnaan badan leh.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
https://www.tashiwanaag.com/

|
|