Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Kacdoonka Faafan-Direed (Jigjiga) Guul!

February 15, 2023

Ujeeddo:Faafan-Direed (Jigjiga)

Faafan-Direed, wali ma aanay xoroobin, oo Daarood, oo gobolkiisii ay baahi ka keentey, oo abaari ka soo qaxisey, ayaa wali gumeysanaya, oo wali ka talinaya, oo wali u talinaya; oo Beeshii Direed, ee Faafan-Direed iska lahaydina, wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo ugu hoos dulman tahay, oo wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo ugu hoos dulleysan tahay, oo wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo, waa nasiib darro'e, ay ugu amar-ku-taagleeyaan.

Dir, oo Faafan-Direed iska leh, ayay qoysas Absame ah iyo qoysas Gari Koombo ah, oo Faafan-Direed soo martiyey, oo macaluul-keentey ahi ku xukumaan; oo ugu dawladeeyaan.

Qarafo keenteygu, waa run, oo Faafan-Direed, cidluu ka heley, oo Jigjiga waa looga kala guurey, oo dhul-beereedkii waa looga kala cararey, oo Jaarso waa taas, oo xataa Tulli-Guuleed ayaa lagu qabsadey, oo Jeegaantuna horey ayay dhinacan Somaliland ugu soo qaxdey; oo beeraheedii uga soo carartey, oo waa kuwaas ay Jid-Waaqu ka dhex-botoriyaan, ee ku badhbadhaadheen, ee ku naaxnaaxeen, ee ay isa-siiyeen.

Hadal waa murti’e, beelahan Direed, ee hoos ku xusan, ee Reer Faafan-Direed, waa inay si degdeg ah u kacaan, oo kacdoon u abaabulaan, oo guud ahaan Faafan-Direed iyo gaar ahaan Jigjiga, waa inay si degdeg ah u xoreeyaan; oo xukunka ula wareegaan – bi idni Allaah.

Beelaha Direed, ee Faafan-Direed iska leh:

- Jaarso
- Jeegaan (Habar Jecle iyo Habar Awal)
- Samaroon
- Ciise
- Akisho
- Gurgure
- Bursuug
- Sheekhaash (Sheekhaal).

Tixgalin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir

sheekhdaahir@gmail.com
www.tashiwanaag.com/

Faafan-Direed (Jigjiga)

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |