Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Habar Xabuush, Habar Jecle Iyo Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq

May 5, 2023

Saddexdaas magac, waa hubaal, oo midba si ayuu Beeshii Habar Toljecle (Toljecle) u saameeyey, oo uu tabnaan ugu noqdey, oo nasiib darro, uu u kala qolo-qoleeyey.

1- Habar Xabuush, waa hubaal, oo Ina Cabdille Xasan, oo ceytamayey, ayaa innagu naaneysey; oo innagu xajiimeeyey.

Wuxu yidhi:
Wixii Habar Xabuusheed ah iyo, hoodhif dacawaa leh.

Mar kale wuxu yidhi:
Hadday haybta kugu sii badshaan, Habar Xabuush sheego.

Sidaas darteed, naaneystaas Habar Xabuusheed, ee tabnaantaas ku baxdey, ayaa Habar Toljcele (Toljecle) kala qolo-qoleysey, oo abtirsiinteedii, ayaa hooyo-tiris xeeladeysneyd loogu baddaley; oo nasiib darro, lagu kala qeybqeybiyey.

2- Magacan Habar Jecle, oo isku qabqabsi-saldanadeed, oo Maxamed Abokor iyo Muuse Abokor u dhexeeyey ku yimid, ayaa isaguna magacii beeshan, ee Habar Toljecle (Toljecle) aad u dhaawacey; oo nasiib darro, ugu dambeyntiina waa bu ka xoog roonaadey, oo waa bu shiiqiyey.

F.G.
Soo qaxitaankii Aadan-madoobahan Galbeed (Toljecle), ka dib, ayuu magacan Habar Jecle uu Bari ka baxey, oo waa sababta ay bessha inteedan Galbeed, ay Toljecle u sii tahay.

3- Sheekh Isxaaqeyntii magaca Isaaq, ee 1950meedyadii, ayaa iyaduna si gaar ahaaneed Beeshii Habar Toljecle (Toljecle) u saameysey, oo nasiib darro, sii kala jabisey.

Waayo:
- Habar Awal, waxa ay noqotey: Awal Sheekh Isxaaq.
- Habar Garxajis, waxa ay noqotey: Garxajis Sheekh Isxaaq.
- Habar Toljecle, halkii ay Toljecle Sheekh Isxaaq ka noqon lahayd, ayay Sheekh Isxaaq u kala dheereysey; oo nasiib darradeeda, afar ilma Sheekh Isxaaq ah, ayay isku kala qeybisey.

b) Muuse Sheekh Isxaaq
t) Axmed Sheekh Isxaaq
j) Ibraahim Sheekh Isxaaq
x) Maxamed Sheekh Isxaaq

Hadal waa murti'e, Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq, waa hubaal, oo Beeshii Habar Toljecle (Toljecle), oo kali ah, ayaa eeddey; oo way ku kala qolo-qolowdey.

Iiguma dambeyn:
Beesheennan Habar Jecle, ee min Saaxil (Somaliland) ilaa Naasareet (Itoobiya) iyo min Jibuuti ilaa Gaarisa (Kiiniya) ku baahsan, ee deggeni, waa hubaal, oo in aynaan khuraafaad ku kala qeybqeybinnin, oo aynaan been ku kala qolo-qoleynnin, ayay innooga baahan tahay – bi idni Allaah.

Beesheennan Habar Jecle, ee Geeska Afrikada Bari ku kala daadsan, ee ku kala qolo-qoleysan, ee abtirsiintoodii la qaldey, ee la isir-dooriyey, ee la asal-habaabiyey, waa hubaal, oo saxitaan iyo mideyn degdeg ah, ayay innooga wada baahan tahay - bi idni Allaah.

Beesheennan Habar Jecle, gurmad degdeg ah, oo haween iyo rag aan loo kala hadhin, ayay innooga wada baahan tahay – bi idni Allaah.

Saadaashu waa guul – bi idni Allaah.

Tixgalin mudnaan badan leh.


Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |