Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Ganacsigii Addoonsiga (Geeska Afrikada Bari)

December 22, 2022

Su’aal haddeertan taagan!

Beesha Isaaq, ma abtirsiinteedii ayay soo heshey, mise tolkeedii Isaaq, ee Carabtu ay qafaalan jirtey, ee ay ka ganacsan jirtey, ee ay kala iibsan jirtey, ee ay addoonsan jirtey, ayay soo ogaatey, oo tafiirtoodii ayay soo heshey?

Nimankaas iyo qabiilooyinkoodu, waa tafiirtoodii, oo waa tolkeen Isaaq, oo nasiib darro, aynaan horey uga war-doonin, oo aynaan horey uga hadlin, oo aynaan horey isku weyddiinnin, oo aynaan horey baadhitaan ugu sameynin, oo aynaan horey u raadsannin; walaalayaal.

Si kasta ha ahaato’e, qarniyo ka hor, ayaa tolkeen loo xoog-sheegan jirey, oo la afduuban jirey, oo xeebaheenna laga dhoofsan jirey, oo Carabaha la geysan jirey, oo lagu kala iibsan jirey, oo lagu addoonsan jirey; walaalayaal.

Tolkeennaas Isaaq ah, waa la addoonsan jirey, oo waa la ciqaabi jirey, oo waa la cadaabi jirey, oo waa la xaqiri jirey, oo nolol looma ogolaan jirin, oo cuntada ayaa laga soomin jirey, oo hurdada ayaa loo diidi jirey, oo xataa tarantooda ayaa la xakameyn jirey; walaalayaal.

Tolkeennaas Isaaq, iyaga oo sidaas iyo si ka sii daran u duruufeysan, ayaan haddana loo tamar iyo taag heli jirin, oo addoonsigaas laguma sandulleyn kari jirin, oo goor kasta way ka gadoodi jireen, oo way ka dagaallami jireen; walaalayaal.
Tolkeennaas Isaaq, waa hubaal, oo geesiyaal badan, oo dagaalyahaniin ah iyo culimo badan, oo diin-fidiye-yaal ah, ayaa ka soo dhex baxey; walaalayaal.

Geesiyaashaas Isaaq iyo culimadaas Isaaq, waa hubaal, oo Carabaha oo kali ah, kuma aanay dhex ekaan jirin’e, iyaga oo Caraboobey ayay min Afrikada Waqooyi ila Afrikada Galbeed ayay iskaga gooshi jireen, oo ama boqortooyooyinkii meelahaas ka jirey, ayay u dagaallami jireen, ama safarradii ganacsiga, ee Afrikada iyo Carabaha u kala safri jirey, ayay gadh-wadeenno ka ahaan jireen, ama diin-fidiye-yaal, ayay ahaan jireen; walaalayaal.

Geesiyaashaas Isaaq iyo culimadaas Isaaq, iyaga oo Caraboobey, ayay badhkood min Geeska Afrikada Bari ilaa Jasiiradaha Bad-weynta Hindiya ay iskaga gudbi jireen; walaalayaal.


Tusaale:

1- Axmed-Gurey
2- Sheekh Isxaaq
3- Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn

Iiguma dambeyn:

Tolkeennaas Isaaq, ee Carabaha ku sugani, waa in aanay abtirsiintooda aanay Binu Haashim inoogaga bilaabin’e, waa inay abtirsiintooda hoos ka bilaabaan, oo awowyaashood kor u abla-ableeyaan, oo kor u taariikheeyaan, oo kor u deegaameeyaan – bi idni Allaah – walaalyaal.


F.G.
Tolkeennaas Isaaq, meel kasta oo ay tagaan, Carab ayaa loo maleyn jirey. Waayo, Carabaha ayay ka tagi jireen, ama ka iman jireen, oo af Carabina way ku hadli jireen.


Tixgalin mudnaan badan leh.


Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |